Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Saraakiishii Ahlu Sunna ee is dhiibay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la kulmay saraakiishii ciidamada Ahlu sunna ee dhawaan looga adkaaday dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa isku dhiibay ciidanka dowlada gaar ahaan milatariga qeybta 21-aad, waxaana saraakiishan uu hor kacayay Jeneraal Mascuud oo horey uga tirsanaa saraakiisha Ahlu Sunna la kulmeen Madaxweynaha Galmudug.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Ahlu sunna ayaa looga hadlay sidii loo qarameyn lahaa saraakiisha iyo ciidamada Ahlu sunna ayna qeyb uga noqon lahaayeen ciidamada maamulka Galmudug.

Saraakiisha Ahlu sunna ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu is badalay mowqifkoodii hore ayna hada diyaar u yihiin in ay kamid noqdaan ciidamada Galmudug una hogaansamaan awaamiira madaxda maamulka.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu Saraakiisha ku booriyay in ay la shaqeeyan ciidamada, ayna ka qayb qaataan kaalintooda kaga aadan ammaanka iyo in laga mira dhaliyo mowqifka lagu doonayo, in si wadajira lagula dagaalamo Shabaabka hubeysan, iyadoo markaasi laga xoreynayo Deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin.

Ahlu Sunna oo awood badan ku laheyd gobolka Galgaduud ayaa hada meesha ka baxday awoodii ay laheyd, waxaana ciidamadii iyo saraakiishii ugu dambeeyay kooxdaasi isku dhiibeen ciidanka dowlada kadib markii looga adkaada dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha cusub ee Habmaamuuska Xafiiska RW oo Munaasabad soo dhaweyn ah Muqdisho loogu sameeyay.

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo la horgeeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025

Cabdi Cade

Qarax Macmal ah oo ka dhacay Muqdisho iyo ragii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade