Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho oo ka hadlay xaalada ardayda Soomaalida ee ku nool Wuhan

Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed.

Qin Jian ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaalada carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaann wacyi-gelin, agab,  iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale.

“Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus, iyo qalabka looga hortaga, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin”, Safirka Shiinaha, Qin Jian ayaa ka sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Waalidiinta Filsan Cabdullaahi oo lagu xiray magaalada Jigjiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo Shaacisay Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh u tagay Galmudug

Cabdi Cade

Haddii Malaay-mileeydu noqon lahaayeen Shaqaalaha ugu Mushaharka badan!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---