Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Imaaraatka oo go’aan cusub ka soo saaray dhismaha saldhiga Millatari ee Berbera

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa joojisay dhismaha saldhiga millatari ee ay dooneysay iney ka dhisato magaalada Berbera.

Imaaraadka oo saldhig millatari ku lahaa Eritrea tan iyo sanadkii 2015, ayaa baab’iyey qoshihiisii kale ee ahaa in uu saldhig kale ka sameysto magaalada dekeda leh ee Berbera ee Somaliland, sida uu qoray Wargeyska thenational ee kasoo baxa UAE.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Sebtember 14, 2019 ku dhawaaqay in la joojiyey heshiiskii dhismaha saldhiga military ee Berbera,

Hase ahaatee, madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalin kadib ka laabtay hadalkaas, isagoo sheegay inaanu waxba iska bedelin heshiiska ay la galeen UAE uuna sidiisa u fulayo.

Lama oga sababta dowladda Isutagga Imaaraatka Carabtu u joojisay saldhigii ay magaalada Berbera ka dhisan rabtay, inkastoo uu jiray cadaadis xooggan oo kaga imanayey DF oo si weyn uga soo horjeeday dhismaha saldhigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada dalka ka maqan oo loogu baaqay in si deg deg Muqdisho ku yimaadaan

Cabdi Cade

Xarun lagu tababari jiray xubnaha ku biiraya Al Shabaab oo lala wareegay

Cabdi Cade

Taliska Booliska oo War cusub ka soo saaray gabar la sheegay iney isku dishay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---