Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Ciidan aan sharci hagaya jirin waxba ma dhaamo argagaxisada”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay ineysan waxba is dhaamin ciidan aan sharci hagaya jirin iyo kooxaha argagaxisada ah.

Waxaa uu intaas ku daray in argagaxisada lagu yaqaano sida uu yiri in dagaal iyo handadaad ay adeegsadaan si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed.

“Ciidan aan dastuur iyo sharci hagaya jirin wax badan ma dhaamo argagexisada. Sababtoo argagaxesinamadu waa adeegsida xoog, cabsi gelin, hanjabaad iyo dagaal si aad u gaarto ujeedddo siyaasadeed. Soomaaliya waxay lahaan jirtay mid ka mid ah ciidanka Afrika ugu xooggan, laakiin waxaa dumiyey in la waayey dastuur iyo sharciga xakameeya” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo beryahan xoojiyey dagaalka ka dhanka ah DF ee uu ka wado baraha bulshada.

Waxaa uu nasiib daro ku sifeeyey in wadaniyad la sheegto iyadoo qof Soomaali ah loo gacan geliyey cadow shisheeye.

“Wuxuu kaa dhaadhiciyaa waa dhalanteed ruuxa ku leh waddaniyad baan wadaa, isagoo muwaadin Soomaaliyeed cadow u gacan geliyey, ajnabina uu ilaalinayo, ku leh qabkii Soomaaliya soo celinayaa, isagoo colaad iyo xasaradda Soomaalida ka dhex hurinaya, kuna leh dowlad xoog leh baan dhisayaa, isagoo dastuur iyo sharci ku tumanaya” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaleeceyn kala kulmay hadal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray kaasoo uu dowlada Turkiga kaga codsaday iney dib u eegto ciidamada ay u tababartay DF oo uu xusay in loo adeegsanayo dano gaar ah oo siyaasadeed.

”Batalyannada Haramcad & Gorgor waxaa tababaray oo maalgeliey Dowladda Turkiga. Waxaase loo adeegsanayaa faa’iido siyaasadeed oo sababtay khilaaf gudeed, Waxaa la geliyey dagaalada Dhuusamareb, Baydhabo & Gedo. Waxaan Turkiga ugu baaqaynaa inay dib u eegis ku sameeyaan taageeradooda ciidamadan.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Dadwayne ka xumaaday sida uu Warsame arrintan uga hadlay ayaa ku soo qamaamay bartiisa Twitter-ka, kuwaasoo jawaabo kulul siiyey siyaasigan, Waxayna badankood u sheegeen inuusan siyaasadeyn ciidanka dowlad laga yaabo inuu beri isagaba hogaamiye ka noqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Madaxweyne Shiikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Ninkii dharbaaxay Macron oo Maxkamad la soo taagay, kana hadlay sababta ku kaliftay

Caydiid Ali

Dowladda Jabuuti oo ku soo birtay dagaalka kenya iyo Jubbaland oo qaylo dhaan ka keentay duulaan ka dhan ah !!

admin
Taboola Ads ---