Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo loogu baaqay in dib u eegis ku sameeyo Ciidanka uu u tababaro Soomaaliya

Siyaasiga mucaaradka ku ah dowlada federaalka Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu baaqay dowlada Turkiga in dib u eegis ku sameyso ciidamada ay u tababarto dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Mr Warsame in ciidamada Turkiga u tababaray Soomaaliya ee loo yaqaan Gor Gor iyo Haramcad loo adeegsaday arimo siyaasadeed gaar ahaan dagaalo ka dhacay magaalooyinka Baydhabo, Dhuusomareeb iyo Baled Xaawo.

“Ciidamada Haramcad & Gorgor waxaa tababaray oo maalgaliyey Dowladda Turkiga, waxaa loo isticmaalay 4 faa iido siyaasadeed oo sababay khilaaf gudaha ah, waxay qayb ka ahaayeen dagaalladii Dhuusamareeb, Baydhabi & Gedo. Waxaan ugu baaqaynaa Turkiga inay dib u eegaan taageeradooda Ciidamadan ayuu yiri”C/raxmaan C/Shakuur.

Hadalka Siyaasigan ayaa kusoo aadaya xili magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Balad Xaawo ay ka dhaceen dagaalo ay ku lug lahaayeen ciidamada Haramcad iyo Gor Gor oo ay tababartay dowlada Turkiga.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo ka hadlay in uu Cunsuri yahay iyo in kale

admin

Sababtii ka dambeysay Weerarkii lagu galay hoyga Madaxweynihii hore oo soo shaac baxday

Caydiid Ali

Coronavirus oo saameeyey Qoyska Boqortooyada Sacuudiga & Bin Salman & aabihiis oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---