Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya xili Xiisad Siyaasadeed ay jirto

Warbaahinta dalka Kenya ayaa daabacay war ku saabsan in Dowlada Kenya ay wado qorshe ay ku dooneyso in ciidankeeda jooga gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland kala baxdo.

Wargeyka Daily Nation ayaa qoray in dowlada Kenya go’aansatay in ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaana qorshahan Kenyan ciidankeeda uga saareyso Soomaaliya hogaamineysa Wasiirka difaaca dalkaasi Marwo Munica Juma.

Dowlada Kenya ayaa wadahadalo ay ku dooneyso in ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya la yeelaneya Midowga Afrika, waxaana la filayaa in wadahadaladan isbuucyada soo socda yeeshaan Kenya iyo Midowga Afrika.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay ogolaansho la’aan sanadkii 2011-kii , hasa ahaatee sanadkii 2012-kii ayaa midowga Afrika ogolaaday in ciidamada Kenya qeyb ka noqdaan kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Qorshahan Kenya ciidankeeda uga saareyso Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, Xukuumada Muqdisho ayaana ku eedeesay Kenya in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga UPD oo ka hadlay Xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya (Akhriso)

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi qurbajoogtu aad uga faa’idayseen oo qaadanaya arday cusub bishan!

Cabdi Cade

Maxbuus si cajiib ah uga baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo la qabtay isaga iyo Saaxiibtiis !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---