Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in saacado badan hawada ka maqan tahay isgaarsiinta ugu weyn ee magaaladaasi oo ah shirkada Safaricom.
Isgaarsiinta magaalada ayaa la sheegay in hawada ka baxday xalay saqdii Dhaxe, walina lama oga sababaha hawada uga maqan tahay isgaarsiinta , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Shirkada Safaricom iyo maamulka Mandheera.
Wariye ku sugan magaalada Mandheera ayaa sheegaya in wali qeybo kamid ah magaaladaasi joogaan ciidamo katirsan maamulka Jubbaland iyo masuuliyiinta ciidankaai hogaamineysa uu ugu horeeyo Cabdirashiid Janan.
Waxa uu sheegay wariyaha in magaalada Mandheera iyo duleedkeeda laga dareemayo dhaq dhaqaaqa ay wadaan ciidamada Jubbaland, waxa uuna sheegay in wali xiran yihiin iskuulada magaaladaasi sidoo kale dadkii dagaalka ku barakacay qaarkood aysan laaban.
Xildhibaanada iyo masuuliyiinta Soomaalida ee laga soo doorto magaalada Mandheera ayaa ugu baaqay Ciidamada Jubbaland in ay 24-saac gudahooda uga baxaan magaalada Mandheera .
Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo jabiyay dagaal xoogan oo duleedka magaalada Balad Xaawo kula galeen ciidamada Dowlada federaalka, ciidamada Jubbaland ayaana u firxaday dhinaca magaalada Mandheera ay hada joogaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com