Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia & Bankiga horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif oo kala saxiixday Heshiisika cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

Wasiirka Maaliyadda ayaa saxiixa kadib yirri “Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska deyn cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.”

“Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay”

“Dadaalka Dowladda Soomaaliya waa uu sii soconaya inta isku filnaasho aan ka gaareyno” sidaasi waxaa yirri wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ergo cusub u dirsaday Rooble & qorshe halis ah oo ka dambeeya

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Maraykanku uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka Somalia?

Caydiid Ali

Barafasoor shaqada laga joojiyay oo Toogasho ka geestay dhismaha Jaamacadda Nevada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---