Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in ciidamadii uu horkacayey wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan looga adkaaday dagaalkii ay maanta ciidamada DF kula galeen xuduudda Mandhera iyo Beled-Xaawo.
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay in ciidamada DF ay u awood sheegteen kuwa Jubbaland, kana saareen Belad-xaawo, wuxuuna wargeysku qoray in ciidamada Janan ay gabaad ka dhigteen laguna hayo saldhigga booliska Mandhera halkaasoo ay ku ilaalinayaan ciidamada militariga Kenya ee KDF.
“Waqti badan kuma qaadanin ciidamada DF iney dhanka xuduuda Beled-Xaawo ka saaraan ciidanka Jubaland oo u soo cararay dhanka Mandhera” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.
Daily Nation ayaa sheegay in askarta saldhigga la keenay, oo ay galbiyeen militariga Kenya, ay gaarayaan illaa 30 askari, oo ay wehliyaan saraakiil.
Halka uu ku dambeeyo wasiirka amniga Jubbaland weli ma cadda, balse qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Amniga Kenya oo Mandhera ayaa gabaad u raadsaday xero militari oo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin xuduudda Somalia meel ku dhow.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com