Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOMALILAND

Gudoomiye Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray (Daawo Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, sida ay ku soo warramayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Guddoomiyihii Maxkamadda gobalka Sool, Xassan Shiikh Maxamuud oo qaraxan gaarigiisa loogu xiray ayaa la sheegay inuu ku geeryooday.

Masuuliyiin kala duwan ayaa xaqiijiyey in gudoomiyuhu uu ku sugnaa xarun ay Wasaaradda Maaliyadu leedahay oo aan ka fogayn hotelka uu degan yahay.

Sida ay noo xaqiijinayaan dad goobta ka dhowaa ma jirin cid la saarnayd gaariga waqtiga uu qaraxu dhaxu dhacayey oo ahayda abaarihii 5:30 daqiiqo ee galabta, ilaa hadana masuuliyiinta amaanka Somaliland kama hadlin qaraxan

Lama oga illaa hadda cida fulisay qaraxan iyo sababta ka dambeysa, iyadoo qaraxyada noocan oo kale ah oo ay ku caan ku tahay al-shabaab aan looga baran magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo la kulmay Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Mombasa (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqeyn kale oo maalmo gudahood Al-Shabaab lagula beegsaday gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Booliska DF oo toogtay nin bastoolad ku hubeysan oo dil geysan rabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---