Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan & dhigiisa Putin oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xalinta dagaalka Idlib

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala xaajoodo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Syria, waxaa sidaas maanta sheegay xafiiskiisa.

“Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Russia, 5-ta March,” waxaa sidaas bayaan ku yiri madaxtooyada Turkey.

Turkey ayaa Axadii xaqiijisay inay billowday howl-gal militari oo ka dhan ah ciidamada Syria ee Russia ay taageerto kadib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib.

Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay.

Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Gen. Birhanu Julla (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada weerar ay Hub badan ku qabsadeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

William Ruto oo shaaciyay cida maalgalineysa dibadbaxyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---