Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Biyo Mareen loo sameeyay Wado kutaala Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u habeyn ku sameysay bulaacada ama Biya-mareenka mara wadada Dekada qalalan ee degmada Waaberi oo isku xirta garoonka Aadan Cade iyo xerada Afasiyooni.

Wadadan biyo Mareenka loo sameeyay ayaa horey isticmaal keeda ay dhibaatooyin kala duwan ugu qabeen gaadiidka iyo bulshada, waxaana dib-u-habeynta bulaacadani xariga kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaala Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in wadadan in la isticmaalo ay aad u adkeyd sababa la xariira qurun iyo bur bur ka jiray.

“Runtii bulaacadan waxey wadna qabad ku aheyd bulshada waxeyna aheyd qurun iyo biya fadhiisid wasaq ah oo aysan dadka u dulqaadan karin taas oo caqabad ku aheyd bilicda iyo nadaafada waana sababta aan u dadajinay dib-u habeynta bulaacadaan si wadadan ay u yeelato waji ka qurux badan kii hore islamarkaana dib loo soo celiyo isticmaalkeeda maadaama ay kamid tahay wadooyinka muhiimka u ah isticmaalka Caasimadda”. ayuu yiri Cumar Finish.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaan laheyn biyo mareeno , waxaana laamiyada magaalada Muqdisho xiliyada roobka da’aan fadhiista biyo aad u badan oo dhibaato ukeena laamiga iyo sidoo kale bilcda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo masuul waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade

Dowlada Iran oo markii ugu horeysey shaacisay iney la soo xiriirtay Israel

Caydiid Ali

Shir arrin muhiim ah looga hadlay kaa ka dhacay New York

Cabdi Cade
Taboola Ads ---