Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Daryeelka Iyo Xannaanada Haram-cadka oo la daah furay (Daawo Sawirada)

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  daahfuray Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Xayawaanka loo yaqaan Harimacadka.

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimayaal guud iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay furitaanka xaruntan lagu daryeeli doono laguna xannaanayn doono Xayawaanka Harimacadka oo beryihii u danbeeyey ay aad u badnayd Tahriibintiisu, taasi oo uu sheegay inay xukuumaddu aad uga hawl gashay.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahadceliyey Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo Wasaaradda Deegaanka, sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen ilaalinka Xayawaankaasi oo faa’iido weyn u leh dalka kana mida xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbixintii ugu dambeysay xaalada cudurka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Cafis u fidiyay Fanaan Caan iyo Wiil uu dhalay oo Gabdho Ciyaal iskuul ah kufsaday

admin

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---