Dawlada Kenya ay maanta xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan Baarlamanka Dalkaas laga soo doorto gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, kadib markii ay safar qarsoodi ah ku yimaadeen magaalada Muqdisho, lana kulmeen madaxda sare ee DF.
Xubnahan oo gaaraya ilaa Siddeed xubnood oo ka tirsan baarlamanka dalka Kenya ayaa waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Wilson, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dambiyada culus iyo kuwa la dagaalanka argagixisada oo su’aalo weydiinaya.
Safarka Xildhibaanada laga doortay Wajeer iyo Mandhera ayaa waxaa ka carooday xildhibaannada laga soo doortay Gaarisa oo awood badan ku leh dowladda Kenya.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA 8-DA XILDHIBAAN EE MUQDISHO YIMID
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com