Weerar madaafiic ah ayaa goor dhow oo galabta ah lagu qaaday garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyo xerada taliska ciidamada AMISOM ee Xalane oo ku dhex taalla xeyndaabka garoonka.
Ugu yaraan saddex madfac oo ah nooca hoobiyeyaasha loo yaqaano ayaa la sheegay iney ku habsadeen qeybo ka mid ah gudaha xerada Xalane iyo run-wayga ay dayuuradaha soo dagaya iyo kuwa duulaya ku ordaan sida ay Allbanaadir u sheegeen dad ku sugan gudaha Garoonka.
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaafiicdan oo illaa hadda aan la ogeyn halka laga soo tuuray ay khasaare dhaawac u badan u geysteen shaqaale ajnabi ah oo ka howlgala shirkadaha iyo safaaradaha shisheeye ee ku yaalla xarunta Xalane.
Shaqaalaha dhaawacmay oo la dhigay isbitaalka ciidamada AMISOM ee xalane ayey wararka qaarkood sheegayaan in mid ka mid uu si xun u dhaawacmay lugtiisana ku waayey madaafiicdan oo la aaminsan yahay iney soo rideen kooxda al-shabaab.
Howlwadeeno ku sugan garoonka oo magacooda ka gaabsaday ayaa sidoo kale Allbanaadir u sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiro Madaxa duulimaadyada AMISOM oo ah sarkaal Ugandhes ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Godfrey.
Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo dowlada Somalia oo la xiriira weerarkan oo aan aheyn kii ugu horeeyey noociisa ah ee lagu qaado xerada Xalane.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com