Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano Soomaali Kenyan ah oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho oo la xir xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Wilson lagu xir xiray Xildhibaano Kenyan ah oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan Muqdisho yimid ayaa ahaa Soomaali kasoo jeeda Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxa ayna Xildhibaanadan kulamo aan warbaahinta loo soo bandhigin la qaateen qaar kamid ah madaxda dowlada Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in 8-Xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari dalka Kenya tageen magaalada Muqdisho iyada oo aysan warqabin dowlada dhaxe ee Kenya safarkooda iyo ujeedka ay Soomaali u aadeen aysan ka warqabin.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa Xildhibaanadan ugu tagay garoonka diyaaradaha Wilson markii ay kasoo degeen, Ciidamada ayaana goob gaar ah Su’aalo ku aasadn safarka ee Muqdisho ku tageen ku weediinaya iyo ujeedka ka dambeeyay.

Xildhibaanadan magaalada Muqdisho safarka qarsoodiga ah ku yimid ayaa la sheegayin ayan kasoo horjeedaan faragalinta dolada Kenya ku heyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca xadka Mandheera.

Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiligan waxaa soo kala dhax galay khilaaf xoogan oo ka dhashay faragalin Kenya ka wado Xadka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Jubbaland oo abaabul dagaal ka wada magaalada Mandheera .

W/Q Hassan Abdulle Noolow

Gmail hassannoolow9@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ka hadlay Jabhad mucaarad ah oo ka dilaacday Burta Gacan-libaax

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2023 iyo Muuse Biixi oo..

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Demeke Mekonnen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---