Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) War murtiyeed ka soo baxay shir Wasiirada amniga DF & dowlad goboleedyada ugu xirmay Garowe

Shirka Amniga Dowladda Faderaalka Somalia iyo Maamuladda Xubnaha ka ah oo ka furmay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa la soo gebagebeeyey iyadoo laga soo saaray War murtiyeed.

Waxaa ka qayb galay shirkan  ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha Faderaalka, Agaasimayaasha Wasaaradda Amniga, Wasiiradda Amniga Maamul Goboleedyadda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Booliska Puntland iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sharaxay ahmiyadda Shirkan oo uu sheegay inuu dabo socday shirar hore gudaha dalka loogu qabtay loogana wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta arrimaha amniga ee soomaaliya guud ahaan.

Wasiir ku xigeenku waxaa uu sheegay shirka maanta ay xooga ku saareen arimo ay ka mid yihiin:-

1-Isku xirka Hay’adaha Amniga dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyadda Dalka.

2-Samaynta Tirakoob sax ah oo lagu samaynaayo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed meel kasta ha joogee.

3-Ka warbixinta Xaaladaha Amni ee Dowladda Faderalka iyo Maamul goboleedyadda, iyadoo si gaara loogu eegayo Caqabadaha & habka looga hortagi karo.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar oo shirka furayna waxaa jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, isagoo sheegay in maadaama shirkani shirar hore daba socdo loo baahan yahay in la isweydiiyo wixii qabsoomay iyo waxaa dhiman sidii go’aan qorshaysan looga gaari lahaa.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirka oo ay ku saxiixan yihiin Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiiradda Wasaaradaha Dowlad Goboleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa warfidiyeenka u akhriyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed wuxuuna u qornaa sidatan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Raisi: “Iiraan wax gorgortan ah kama geli doonto barmaamijka Nuclearka”

Caydiid Ali

Yaa go’aaminaya halka ay ka howlgalayaan ciidanka AUSSOM

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Donald Yamamoto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---