Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu salka ku hayaa socdaalka Axmed Madoobe ku joogo dalka Imaaraadka Carabta?

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay booqasho ku jooga magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku biiray qorshaha Cabdiwali Gaas ee lagu garab istaagayo dagaalka dhaqaalaha badan ay ku bixineyso Imaaraadka Carabta oo dooneysa inay meesha ka saarto midnimada umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka ayaa horraantii Isbuucaan u yeertay Axmed Madoobe, si ay dhaqaale ugu siiso inuu ka hor yimaado dowlada Soomaaliya oo imaaraadku ay is hayaan.

Axmed Madoobe ayaa laga cabsi qabaa inuu ku biro siyaasiyiinta Soomaalida ee dhaqaalaha lagu siiyo sidii ay qas siyaasadeed ugu sameyn lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ay hogaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayrem oo mudadii koobneyd ee ay talada dalka hayeen muujiyey waxqabad dhab ah oo dhinacyo badan taabanaya.

Ummadda Soomaaliyeed waxay xasuusantahay dhagarta dalalka Shisheeye iyo sida ay ugu sahlan tahay inay adeegsadaan madaxda hogaamada dowlad gobaleedyada.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa isweydiinaya Sababta Axmed Madoobe ku kaliftay inuu waqtigan xiriir hoose la sameeyo dowladda Imaaraadka Carabta, maadaama dowladda dhexe ee Soomaaliya ay go’aan cad ka qaadatay faragalinta qaawan ee Imaaraadku ku sameeyay madaxbaanida umadda Soomaaliyeed, iyo iyadoo weliba labada gole ee Baarlamanku ay aqlabiyad ku meel mariyeen ilaalinta wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

Bulshada Soomaaliyeed oo taageertay go’aanka dowladda ayaa isha ku heysa dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee uu ka mid yahay Axmed Madoobe, iyagoo si gaar ah u xasuusta tanaasulkii ay sameysay dowladda Soomaaliya xilligii lagu howlanaa dhismaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku dhisay maamul uu kaligii garwadeen ka ahaa, bulshada degaankaasina aysan u dhameyn.

Dhinaca kale Socdaalka Axmed Madoobe ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho kala qeybsanaan ku timaada maamulka Jubbaland dhexdiisa. iyadoo la wada ogsoon yahay in dadwaynaha iyo waxgaradka reer Jubbaland aysan ku qanacsanayn hogaaminta Ahmed Madoobe. iyagoo tirsanaya caburin iyo masaafurin lagula kacay xildhibaanno, Siyaasiyiin, Salaadiin iyo Suxufiyiin.

Shacabka Soomaalida oo dhan ayaa toosh dhawaanahan la daba taagan siyaasiyiinta qudba sirada ugu tagayay dowladda Imaaraatka oo kala qaybin ku haysa midnimada Soomaaliyeed.

F.G: Qoraalkan kama turjumayo aragtida shabakada Allbanaadir.com, wuxuu u gaar yahay qoraaga ku saxiixan anagoo soo dhoweynayna aragtida qeybaha Bulshada.

W/Q: Xuseen Maxamed mukhtaar (White)
husein11@gmail.com 
Kismaayo, Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandjigga oo Dhaawacyo ku booqday Isbitaal kuyaalla Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo go’aan kasoo saaray kala diristii Guddiga Maaliyadda (Akhriso)

Cabdi Cade

Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arimo Muhiim ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---