Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hambalyo u diray xulka da’yarta ah ee kubada cagta Somalia oo galabta u gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ee ka socda dalka Burundi.
Ciyaartii galabta oo semi-final aheyd ayaa kooxda junyorka Somalia waxay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Ugandha.
Madaxweynaha ayaa wax yar ka dib markii ay dhamaatay ciyaarta bartiisa Twitter-ka soo dhigay hambalyo uu iyo bogaadin uu u dirayo xulka da’yarta Soomaaliyeed.
“Waxaan u hambalyeeynayaa xulkeena ay da’doodu ka yartahay 17-da ee gaaray fiinaalaha CECAFA. Waad naga farxiseen. Waxaan idiin rejeynayaa wanaag iyo in aad koobka keentaan guriga” ayuu yiri farmaajo.
Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa waxay u dabaal degayaan guusha ay gaareen Xulka Kubada cagta Somalia ee u soo gudbay finalka tartanka bariga iyo bartamaha ee CECAFA.
Somalia ayaa Axada soo soo socota ciyaarta finalka ah la cayaari doonta xulka Tanzania oo ka soo adkaaday Kenya, waxaana loo rajaynayaa xulka da’yarta Somalia iney koobka ku guuleystaan markii ugu horeysay taariikhda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com