Hogaamiyaha Kooxda Ahlu Sunna Macalin Maxamuud ayaa goordhaw Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb saacado un kadib markii ay isku dhiibeen ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya.
Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Urur ahaan go’aansadeen in ay u tanaasulaan umada Soomaaliyeed si aysan dhibaato badan u dhicin, waxa uuna cadeeyay in ay go’aansadeen in aysan qeyb ka noqon dagaal dad ku dhintaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Hogaamiyaha Ahlu Sunna in ay Urur ahaan ka tanaasuleyn siyaasada Galmudug , waxa uuna tilmaamay in Ahlu sunna ay tahay Urur diimeed ayna taasi ka tanaasuli doonin halkeeda kasii wadi doono arimaha diinta.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Macalin Maxamuud