Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Midowga Yurub oo ka shaqeeyay in ay Heshiiyaan Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaridka ahi ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaridka, ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa lagaga gaadhay khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena ay xisbiyada mucaaridka ahi kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka, si ay gudida doorashooyinka qaranka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah, iyada oo xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka qaranka.

Heshiiskan ay gaareen Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo xisbiyada Mucaaradka waxaa ka shaqeeyay Midiowga Yurub oo Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo arimo kale oo badan.

Heshiiska ay madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka Axsaabta mucaaridka ahi kala saxeexdeen, ayaa u dhignaa sidan:

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho: Maxaa isku soo beegay afar Jimce oo isxigta iyo afar gubasho..?!!

Caydiid Ali

Magacyadii kooxdii hormuudka u aheyd weerarkii Buulamareer oo la shaaciyay iyo Ajnabi ku jira

Cabdi Cade

Aabihii Taalibaan Maulana sami Al Xaq oo gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---