Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Dowlada oo Dhuusomareeb ku xiray Masuul katirsanaa Kooxda Ahlu Sunna

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugida ay xabsiga dhigeen masuul katirsanaa kooxda Ahlu Sunna ee fadhigeedu yahay Dhuusomareeb,

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb Axmed Macalin Cabdullaahi (Walad Cabdalla) xili uu kasoo baxay xarunta INJI oo ah halka ay degan yihiin hogaanka Ahlu Sunna.

Masuulkan iyo askari katirsan Ahlu Sunna oo la socday ayaa waxaa xiray ciidamada Nabad sugida, walina si rasmi ah looma oga sababta loo xiray ninkan katirsan kooxda Ahlu Sunna ee diidan maamulka cusub ee Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda sare ee Galmudug amar ku bixiyeen in la xadido dhaq dhaqaaqa xarunta INJI oo kutaala meel ku dhaw Madaxtooyada Galmudug, waxa ayna ciidamada amaanka la soconayaan dadka galaya iyo kuwa kasoo baxaya xaruntaasi.

Xarunta INJI waxaa ku sugan Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Madaxa Xukuumada Galmudug oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug, waxa ayna kooxdan diidan yihiin maamulka Galmudug ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Xijaar oo soo saaray Wareegto xilka looga xayuubiyey Taliye saldhig Boolis

Caydiid Ali

Ciidamo ka baxay Dhuusamareeb oo gaaray B/Weyne & Xog ku aadan ujeedkooda (Sawirro)

Caydiid Ali

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---