Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Galmudug oo go’aan ka gaaray Miisaaniyada sanadka 2020 (Sawirro)

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo arbaco ah ansixiyay miisaaniyada 2020 oo wasaaradda maaliyada ay horgeysay dhawaan.

64 xildhibaan oo kulanka maanta xaadir ahaa ayaa dhammaantood ogolaaday, kadib markii ay ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay sida uu sheegay guddoomiye Dr. Maxamed Nur Gacal.

Miisaaniyada 2020 ee Galmudug ayaa lagu qiyaasay $17,230,54 milyan, taasoo muujinaysa koror balaaran marka loo barbardhigo tii sanadkii 2019 oo ahayd $6,960,705, iyadoo cel celis ahaan ay korortay 147%.

Hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa xooga saaraya hagaajinta maamulka maaliyada, sare-u-qaadida daqli gudaha iyo hirgalinta kaabayaal dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka Gaza oo noqday kii ugu Khasaaraha iyo burburka badnaa Qarniga 21aad

Caydiid Ali

Madaxda Soomaaliya oo dalab xasaasi ah hor dhigay dowlada Tanzania

Caydiid Ali

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyey 24 saac oo hoos u dhacday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---