Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tirada Macalimiinta Kenyanka ah ay dileen Al Shabaab oo la shaaciyay (Waa Imisa

Al Shabaab ayaa gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalkaasi ku dilay tiro badan oo macalimiin ah oo wax ka dhigayay iskuulada halkaasi kuyaala, waxa ayna taasi keentay in gobolkaasi cabsi darteed looga saaro macalimiin badan.

Guddomiyaha Guddiga adeega macalimiina dalka Kenya Nancy Macharia ayaa sheegtay waxii ka dambeeyay sanadkii 2014-kii Al Shabaab gobolka Waqooyi bari Kenya ku dileen 42-macalin oo Kenyan ah.

Nancy Macharia ayaana sheegtay sababaha macalimiinta Kenya gaar ahaan kuwa aan Muslimiinta aheyn looga saaray gobolka Waqooyi bari in ay tahay cabsida la xariirta weerada Al Shabaab ku beegsanayaan macalimiinta oo korortay.

Warkan kasoo baxay Guddiga adeega macalimiina dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiinta Waqooyi bari Kenya si adag u uga hor yimaadeen talaabooyinka macalimiinta looga saaray gobolkaasi.

Al Shabaab ayaana weeraro joogto ah ka fulisa gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab inta badan beegsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale macalimiinta iyo shaqaalaha kale aan muslimka aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ka tirsan Danab oo tababar loo xiray, dhoolatus cajiib ahna soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaale & Masuuliyiin kale oo kormeeray degmooyin amni xumo ku caan baxay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo tagay Saldhigii Al Shabaab weerareen ee Owdhiigle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---