Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab & xaaskiisa (Akhriso)

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn dhacday 22-kii bishan Febraayo lagu dilay laba xubnood oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Maraykanku waxay sheegeen in qofka labaad ee la dhintay ay ahayd xaaskiisa oo xubin ka ahayd Al-Shabaab inkastoo aysan shaacin magacyada labadan xubnood iyo halka ay ka dhacday duqeynta lagu dilay.

Waxaa milatariga Marayanku sheegay in labada xubnood ay kala ahaayeen sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo mas’uul ka ahaa qorshaynta iyo diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka xuduudda la ah Kenya oo uu ku jiro weerarkii Manda Bay iyo xaaskiisa oo xubin ka ahayd isla markaana fududaysay ficillo argagixiso ah.

Waxay sheegeen milatariga Marayanku in ilaa 5-tii Janaayo ay ku daba jireen kuwii weerarkaas mas’uulka ka ahaa.

Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka hari doonin kuwa qaba dhiigga Maraykanka iyo kan ciidamada Afrika.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AFRICOM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nabadoon maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ganacsato kasoo jeeda Galmudug (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada “Dabaaldegga Munaasabadda Ciidul fidriga & Sida looga Ciiday magaalada Vänersborg

admin
Taboola Ads ---