Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Daahir Ciid oo deeq gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Dhuusamareeb.

Cali Daahir Ciid ayaa u kuur-galay xaalada isbitaalka iyo baahida ka jirta ee heysata dhaqaatiirta iyo maamulka si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee uu bixiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa intaa ka dib deeq daawo ah ku wareejiyey isbitaalka si lagu daboolo baahida ka jirta isbitaalka gaar ahaan dhinaca dawooyinka.

Kormeerka waxaa ku wehlinayay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Faandhe iyo Gudiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka 2aad Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senator Dheg Dheer :-Waxaa u soo Istaagay In aan saxo taliye Sanbaloolshe waana lama huraan doorasho!!(Daawo)

admin

Dagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo Azerbaijan

Cabdi Cade

Galmudug oo qaadacday Shir Madaxweyne Xasan maanta furay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---