Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dab goor dhow qabsaday xaafad ka tirsan Muqdisho & gurmad soconaya

Dab aad u xoogan ayaa caawa wax yar ka hor salaadii maqrib ka kacay xaafada loo yaqaano Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabku uu aad xoog badan yahay, uuna ku faafayo guryo jiingado u badan oo ka dhisan xaafada jaamacadaha oo dhacda inta u dhexeysa labada isgoys ee Banaadir iyo Ex-Kontrol Afgooye.

Dabkan oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa sababay ayaa waxaa sii xoojiyey dabeylo maalmahanba ka jiray magaalada Muqdisho oo sababay in dabkan uu geysto khasaare xoogan, iyadoo wararku sheegayaan in shaqaalaha dan demiska ay caqabad kala kulmeen xaafada oo ah mid isku raran ah oo aan laheyn jidad uu gaadiidku maro.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee dab demiska maamulka gobolka Banaadir ayaa goor dhow halkaas gaaray iyagoo haatan la tacaalaya deminta dabkan.

La soco wixii soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ku saabsaneyd Warbixin uu maanta Wasiir Beyle siiyey Madaxweynaha Somalia?

Caydiid Ali

TV-ga CNN oo dacwad ka dhan ah Trump u gudbiyey Maxkamada Washington

Caydiid Ali

Xayiraadii saarneed UK oo la qafiifiyay & Suuqyada oo mudo kadib dib loo furay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---