Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo Xaalad halis ah ay soo wajahday

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George H. W. Bush ayaa xaalad deg deg ah lasoo gudboonaatay kadib markii uu ku dhacay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halis geliyay.

George Bush oo 93 sano jir ah ayaa maalintii axada loola cararay isbitaalka Houston Methodist Hospital , waxaana saacado badan uu ku jiray qeybta gar gaarka deg dega ah isagoo xaaladiisa ay aad u liidatay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa la sheegay in Bush aad uga murugeesnaa geerida Xaaskiisa Berbera oo maalmo kahor geeriyootay, waxa uuna sabtidii ka qeyb galay tacsi loo sameenayay xaaskiisa oo 92 sano jir ku geeriyootay.

Madaxweynihii hire ee dalka Mareykanka ayaa wali xaaladiisa laga deerinayaa , waxaana daaweynta Bush ku howlan dhaqaatiir waa weyn kuwaa oo dadaal ku bixinaya sida ay uga daaweyn lahaayeen cudurka ku dhacay.

Bush iyo Xaaskiisa dhawaan ka geeriyootay ayaa is qabay mudo 73-sano ah, waxaana lamaanahan caruurta ay isku dhaleen kamid ah George W Bush oo isna Madaxweyne kasoo noqday dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay warbixin lataaban qodob ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali

Meydka askari ka tirsan Ciidamada DF oo la soo dhigay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Maxaabiis la laayey & kuwo baxsaday (Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Xabsiga dhexe)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---