Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn lagu dilay Masuul katirsanaa Shirkada Hormuud

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameenayo wararka sheegaya in duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen degmada Jilib lagu dilay Madaxii shirkada Isgaarsiina Hormuud ee degmadaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka Mareykanka Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntii shalay diyaaradahooda ka fuliyeen degmada Jilib uu ahaa mid ay isla ogaayeen dowlada federaalka sidoo kale laga baaraan degay.

Waxa uu sheegay sargaalkan in duqeyntan lala beegsaday xubin katirsan Al Shabaab oo bartilmaameed ahaa, waxa uuna ka gaabsaday sargalakan Mareykanka shaacinta magaca xubinta Al Shabaab katirsan ay beegsadeen.

Sargaalkan katirsan Howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in baaritaan ku sameyn doonaan warka sheegaya in qofka lagu dilay duqeynta uu katirsanaa maamulka  Hormuud, waxa uuna cadeeyay in ay soo bandhigi doonaan natiijada baaritaankooda.

Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa xaqiijiyay in duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen shalay degmada Jilib lagu dilay Maxamuud Xaaji Salaad oo Madax ka ahaa xarunta Hormuud ee degmada Jilib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daacish oo sheegatay Masuuliyadda weerar Masjid lagu qaaday

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka arrimaha gudaha oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---