Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Meydadka Masuuliyiin la dilay oo laga helay magaalada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi kooxo hubeesan ku dileen sadex nin oo katirsanaa masuuliyiinta maamulka Degmadaasi.

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay guryahooda kala soo baxay sadex nin oo gudoomiyaal ka ahaa xaafado katirsan Degmada Baardheere, ragan guryahooda lagala baxay ayaana saakay meydadkooda lagu arkay gudaha Baardheere.

Sida aan wararka ku helnay mid kamid ah sadexda Gudoomiye xaafadeed ayaa la gowracay halka labada kalana lagu dilay rasaas, waxaana baxsaday kooxdii ka dambeesay dilka loo geestay Gudoomiyaashaasi.

Ciidamada amaanka ayaa saakay howlkgalo baaritaano ah kawada degmada Baardheere , dilkan sadexdan nin oo caan ka ahaa Baardheere ayaana cabsi badan ka abuuray gudaha degmadaasi.

Maamulka Degmada Baardheere ayaan wali ka hadlin dilkan xalay loo geestay gudoomiyaal katirsan xaafadaha degmadaasi, sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay gudoomiyaashaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo warbixin xasaasi ah siiyey Madaxda Midowga Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaariga ugu Xawaaraha dheer Caalamka oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS kaddib shir ka dhacay New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---