Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Toogasho ka dhacday saldhig ay degan yihiin Ciidamada AMISOM

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka maanta lagu qaaday ciidanka Burundi ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay ciidanku leeyihiin oo ka dhacay isla degaanka Buurane. Rasaas ay xilligaas fureen ciidanka AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo xoolo dhaqato ah.

Askarta la dhaawacay ayaa waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday rag hubeysan, sida howlgalka AMISOM uu sheegay

Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane.

AMISOM ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday xilli ay ciidamada AMISOM iridda ka fureen baabuur booyad ah oo rayid ah.

Dad degaanka ayaa intaa daray in ay maqleen rasaas xoogan oo ka dhaceysa meel u dhow saldhig ay ciidanka Burundi ku leeyiihin halka loo yaqaana Biljamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo soo bandhigtay dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Mohammed bin Salman (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Iraq iyo Heshiisyo la saxiixayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---