Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Mahdi: “Beesha Mudulood wax aysan rabin Soomaaliya lagama sameyn karo”

Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Mudulood aysan aheyn qabiil ee ay noqotay qowmiyad weyn, isagoo dhinaca kale dhaliilay hab dhaqanka DF.

Cali Mahdi oo ka hadlay shirweyne maanta beesha Mudulood uga furmay magaalada Muqdisho oo looga hadlayo aayaha beesha ayaa sheegay in beesha Mudulood ay xuquuq ku leedahay dalka, dadka iyo dowlada ayna garab u tahay qaranimada Somalia, balse aysan aqbaleyn in xuquuqda beesha lagu xad gudbo.

“Walaahi wax aysan rabin beesha Mudulood ineysan jirin cid Somalia ka sameyn karta,” ayuu yiri Cali Mahdi oo intaas ku daray in beesha Mudulood ay tahay qaran, aysana jirin cid inkri karta.

“Markaan leeyahay Mudulood waa qaran kama wado keligiis ayaa qaran ah, waxaa uu qaran ku yahay Soomaali oo wada jirta, Soomaali oo mid ah ayuu qaran ku yahay, Soomaali oo wax wada qeybsaneysa ayuu qaran ku yahay, laakiin markey gaarto in geedda hoos loo dhigo oo hoos loo dhigo..ma yeeleyno” ayuu yiri Cali Mahdi oo Somalia madaxweyne KMG ah ka noqday 1991-1992 markii ay burburtay dowladii milateriga.

Cali Mahdi oo aad ugu fogaaday amaanta beesha uu ka soo jeedo ee Mudulood ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qorshe DF ay waday oo lagu horjoogsan rabay shirweynaha Beesha Mudulood.

“Waxaan maqlaayey oo dhegahayga ku soo dhacaayey war la leeyahay Mudulood ma shiri karo, waxaan leeyahay Mudulood waa shirayaa, si sharci ah ayuu ku shirayaa, xaq ayuu u leeyahay shiro, sida Soomaali oo dhan ay xaq ugu leedahay iney shirto ayuu isna xaq ugu leeyahay inuu shiro maalinta uu rabo, mana loo diidi karo cid u diidi kartana ma jirto” ayuu Cali Mahdi Maxamed.

Cali Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka federaalka uu yahay mid naga soo galay dhinaca dalka Itoobiya oo lagu burburinayo midnimada Somalia, wuxuuna xusay in inta nidaam federaal ah jiro aan la heli doonin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh.

Hadalka Cali Mahdi ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada, waxaana dhaliilay dad fara badan oo sheegay in laga fiicnaa Cali Mahdi inuu ku hadlo hadalo qabyaaladeysan oo noocan oo kale maadaama uu horey u soo noqday Madaxweyne huwan astaanta qaranka ee dalka.

Shirkan ay iskugu timid beesha Mudulood ayaa waxaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan Madaxweynayaashii hore ee Somalia sida Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif oo mudooyinkan si weyn u mucaaradsanaa madaxda heysa tallada DF inkastoo Shiikh shariif oo ka maqnaa shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad ajnabi ah oo ku guuleysatay dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen

Caydiid Ali

Akhriso: Xaqiiqda Aan La Dafiri Karin ee Isbaheysiga Sadex Geesoodka

Cabdi Cade

Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddo kordhin u sameeyey Xilliga doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---