Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Jubbaland oo lagala noqday Baasaboorka Diblumaasiga

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa lagala noqday baasaboorka diblumaasiga, waxaana arintan sabab looga dhigay khilaafka maamulka Jubbaland kala dhaxeeya dowlada federaalka.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirada iyo Xildhibaanada katirsan Jubbaland ayaa baasaboorka laga qaaday xili qaarkood garoonka Aadan Cadde ka dhoofayeen halka kuwa kalana ay kasoo dagayeen.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo katirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro gaaraya 6 lagala qaaday Baasaboorka Diblumaasiga xili ay ku sugnaayeen garoonka Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay Axmed Ismaaciil in Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland katirsan  baasaboorada ka qaadeen saraakiil katirsan laanta socdaalka iyo jinsiyadaha kadib amar arintaasi lagu siiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in talaabadan baasaboorka looga qaadayo Xildhibaanada iyo Wasiirada kaliya ku kooban tahay maamulka Jubbaland, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in dowlada beegsato hal maamul .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xiligan wax xiriir ah kala dhaxeen maamulka Jubbaland uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, waxa ayna dowlada sharci daro ku tilmaantay doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Murashaxiinta qaarkood oo Olole nuuc cusub ah ka bilaabay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ninkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Dood labo oday ee kala taageersanaa Dowladda & Mucaaradka oo ku dhax martay Maqaayad ku taal Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---