Allbanaadir.com
NEWS

Qaab dhismeedka mid kamid ah Wasaaradaha dowlada oo wax laga bedelay (Sawirro)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa dib-u-habeyn ku sameeyay qaabdhismeedka waaxaha wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada.
Is beddelka ayaa ujeeddadiisu tahay in Wasaaraddu yeelato waaxyo ka turjumaya waajibaadka , si la isku waafajiyo qaab dhismeedka iyo shaqada wasaaradda taas oo suurto galin karta hufnaanta iyo habsami u socodka shaqada, sida ku caad wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Dib-u-habeyn ayaa lagu soo koobay waaxyaha wasaaradda lix waaxood, halkii ay horey u ahaayeen 11 waaxood. Agaasime waaxeedyada ayaa saddex ka mid ah waxaa loo magacaabay haween.
Munaasabad maanta ka dhacday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cadde Mukhtar ayaa sidoo kale ay xilalka kula wareegeen agaasime waaxeedyada cusub.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlo muhiim ah ayay u heysa dalka, waana muhiim in la dardargaliyo howlaha la qabanayo – agaasimeyaasha cusub waxaan u rajeyn inay ka soo dhalaalan shaqada ay qabanayaan, iyadoo wadajir loo shaqeynayo.” ayuu yiri agaasimaha guud oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay degmada Luuq

Cabdi Cade

Cabdiraxmana Cabdishakuur oo ka hadlay Hanjabaada loo jeediyay Xildhibaanno …

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo gar gaar u qeybisay dad Masaakiin ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---