Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Kulanka Madaxweynaha dalka Jabuui iyo Madaxwenaha maamulka Puntland waxaa ka qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Wasiirada ee Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna kusoo dhammaaday jawi wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo dhaqaalihii ka joojiyey WHO ka dib murankii dhexmaray isaga & Tedros

Caydiid Ali

Puntland oo cadeysay Go’aankeeda ku aadan Wax- kabedelka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ka dalbaday Warbixin la xiriirta Xariga Abuu Mansuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---