Allbanaadir.com
NEWS

Natiijada Baaritaankii lagu sameeyay Shaqaalaha G/Banaadir oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa maanta oo Arbaco ah lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday baaritaan iyo dib u habeyn lagu sameeyay (Security–Vetting) dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.

Dib u habeyntan waxaa sameeyay Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Mdane Maxamed Cabdullaahi (Tuulaax) oo joogay kulanka ayaa sheegay in dib u habeyntan lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar, ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay sameeso hey’ad dowli ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dib u habeyntan ayaa timid kaddib dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday Aqalka dowladda Hoose 24-kii July sannadkii horre oo dadka ku dhintay uu ku jiray Duqii Magaalada Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Xafiiska Agaasinka guud ee Amniga Caasimadda ee Maamulka Gobalka Banaadir.

Duqa Caasimadda ayaa amray in dib u habeyntan shaqaalaha lagu sameeyay ay u gudubto wajiga labaad (Phase-2).

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ballan qaaday in dib u habeynta shaqaalaha lagu sameeyay ay noqon doonto mid joogto ah si loo xaqjiiyo Amniga xarumaha Maamulka Gobalka Banaadir.

Related posts

Duqa Muqdisho oo ka dalbaday Aadan Madoobe meelmarinta maqaamka Caasimadda

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay Shirka Garawe iyo arrimo uu kala hadlay Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka Mamnuucday xayeysiinta Sigaarka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---