Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo Al-shabaab looga xoreynayo deegaannada ay joogaan ayaa maanta lagu qabtay xarunta taliska Booliiska magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo ay ka qayb galeen wasiirka iyo wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiiru dowlaha difaaca iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo taliyaasha ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha kale ee dowladeed ee qaybta ka ah qorshaha, inay dardar geliyaan dadaalada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto xoreynta deegaannada Alshabaab ay uga suganyihiin dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada bulshada looga hir-gelinayo deegaannada laga saaro waxa loogu yeeray argagaxisada.
Taliyeyaasha iyo wasiirrada kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu dalka uga sugantahay iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo bulshada iyo deegaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com