Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Mr. Workneh Gebeyehu? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan.

Mudane Workneh Gebeyehu oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Itoobiya ayaa dhowaan loo magacaabay Xoghayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD, isagoo bedelay Maxbuub Macalin oo ahaa Xoghayihii hore ee IGAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiirka cusub ee Somalia u magacowday USA oo aqoonsiga laga gudoomay

Caydiid Ali

Kenya oo qarka u saaran in ay ka baxdo Dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Cabdi Cade

Hooyo iyo Caruurteeda oo ku dhintay Darbi xalay kusoo dumay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---