Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Puntland ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadal labo geesood ah oo u furmay Madaxda dalalka Somalia & Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in loogu deeqay 427 Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo lagu soo dhoweeyey Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---