Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn khasaaro geesatay oo ka dhacday Jilib

War ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Africa AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen degmada Jilib lagu dilay Xubin katirsan dagaalahanada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana warka kasoo baxa taliska Mareykanka lagu xaqiijiyay in duqeynta lagu dilay xubin aan la magacaabin oo katirsan Al Shabaab.

Ku xigeenka hawlgalada Africom Miguel Castellanos, ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab uu sheegay in ay qayb ka yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dunida kajiro .

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana duqeymaha Mareykanka qaarkood waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

 

Related posts

Al-Shabaab oo War aan looga baran ka soo saartay Sarkaalkii ay soo bandhigtay NISA

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---