Allbanaadir.com
NEWS

Taliye ciidan oo xilka laga qaaday iyo Al Shabaab oo sabab u aheyd xil ka qaadistaasi

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu xilka ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska saldhiga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Generaal Xijaar ayaa xilka ka qaaday taliyihii saldhiga degmada Wadajir Cabdi Baasid, waxaana taliyaha booliiska saldhiga Degmada Wadajir u magacaabay in taliye ka noqdo Saciid Cali Maxamuud oo katirsanaa saraakiisha booliiska.

Xil ka qaadista lagu sameeyay taliyaha saldhiga booliiska Wadajir ayaa la sheegay in sabab u aheyn madaafiic shalay laga tuuray gudaha Degmada Wadajir oo lagu weeraray xarunta Xalane ee ku dhagan garoonka Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay taliyaha xilka laga qaaday ayaa sidoo kale booliiska waxa ay su’aalo ka weediinayaan sida ay ku dhacday in gudaha degmada Wadajir maalin cad madaafiic Al Shabaab ka tuuraan kana baxsadaan.

Xil ka qaadista sargaalkan katirsan booliiska Soomaaliya ayaana sabab waxaa u noqday dagaalyahanada Al Shabaab oo xili dharaar cad ah degmada Wadajir ka tuuray tiro hoobiyaal ah ay ku weerareen xarunta Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo arrin xasaasi ah kala hadlay dhaqanka gobolka Bakool (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo beenisay hadal ka soo yeeray taliye Jen. Maxamad Tahliil Biixi

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo lagu qasbay heshiisyadii ay la gashay Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---