Allbanaadir.com
NEWS

Duq magaalo oo dad badan ka yaabsaday iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Duqa magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgyzstan ayaa dad badan ka yaabsaday, kadib markii uu marar badan isaga oo is qarinaya dadkuna aysan aqoonsan karin ku dhax lugeeyay wadooyinka magaalada uu Duqa ka yahay.

Albek Ibrhaimov oo ah Duqa magaalada Bishkek ayaa caado ka dhigay in uu badalo muuqaalka wajigiisa si aan loo aqoonsan inta uu kormeerka ku jiro, waxa uuna mararka qaar soo xirtaa gar been abuur ah si aan loo aqoonsan.

Duqa magaalada Bishkek ayaa sidoo kale soo xirta marka uu kormeerka sameenayo dhar duug ah oon lagu aqoonsan karin, waxa uuna gees ka gees u maraa magaalada uu Duqa ka yahay si uu u ogaado baahiyaha dadka qabaan iyo cabashooyinka jira.

Albek Ibrhaimov ayaa Warbaahinta u sheegay in ujeedka uu kormeerka kaligiis u sameeyo ay tahay si uu u ogaado xaaladaha dadka ay maalin kasta la kulmaan, gaar ahaan dhibaatooyinka xalka u baahan ee heysta.

“Waxaan xirtaa dhar dug ah, si aanan la ii aqoonsan, waxaan xirtaa gar been ah, waxaan bixiyaa garabaatiga iyo dharka la igu aqoonsan karo, waanan socdaa si aan u arko xaaladaha dhabta ah” ayuu yiri Mr Albek.

Ficilada Albek Ibrahimov ayaa noqotay dhacdo aad looga helay oo si weyn u hadal hayaan Warbaahinta Caalamka qaarkood, waxa ayna Warbaahinta ku sifeeyeen duqan in uu yahay Daacad doonaya in uu ogaado baahiyaha dadka uu maamulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Cabduqaadir Maxamuud Cali (Sawirro)

Cabdi Cade