Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Dr. Mamunur Rahman Malik (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka cusub ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik.

Masuulkan ayaa warqadihiisa aqoonsiga wakiilnimo ku wareejiyay Wasiirka, isagoo ah wakiilka hey’adda ee ka howlgalaya dalka.

Kulanka qaabilaadda intii lagu guda-jiray, ayaa waxaa lagaga wadahadlay iskaashi wadaagga iyo wax ka qabashada baahida dhanka caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla Soomaaliya , iyadoo la dejinayo barnaamijyo ka hortag iyo wacyigelin oo loogu talagalay kuwa bixiya adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah oo taabagelinaya habab si wadajir ah looga shaqa-galo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Fahad oo u yeeray Laftagareen & qorshe xasaasi ah oo lagala hadlayo

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Beyco la gashay 40-Hogaamiye Beeleed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo Ballanqaad u sameesay Dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---