Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Masuul caawa lagu dilay Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir ayaa caawa la dilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaaladaas.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney fuliyeen dilka marxuum Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir iyagoo sidoo kale dhaawacay nin la socday.

“Seddax nin oo hubeysan ayaa madaxa xabado kala dhacay guddoomiye Gees-diir oo isla goobta ku dhintay, waxayna dhaawaceen nin ay saaxiibo ahaayeen oo la socday, kaasoo dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka oo lagu daweynayo: ayuu yiri goob jooge ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxdii geysatay dilka ay goobta ka baxsadeen, waxaana wax yar kadib gaaray goobtaas ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo bilaabay baaritaano iyo howlgalo.

Xaalada xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa caawa kacsaneyd, iyadoo dadweynuhu ay si weyn u hadal hayaan weerarka dilka iyo dhaawaca sababay ee ka dhacay caawa magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Magaalada Dhuusamareb (Ujeedka+Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xoganaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamo Talyaani ah oo…

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Guddiga dib u furista Wadooyinka xiran (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---