Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo soo bandhigay khariidada Somalia oo laga jaray Somaliland (Daawo)

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa baraha bulshada gaar ahaan bartiisa twitterka ku shaaciyey qariirada Soomaaliya oo ay ka maqan tahay Somaliland.

Waxaa sawirka khariidadan la socday ereyo kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “Xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.” taasoo dad badan ka yaabisay.

Lama oga sababta ay Abiy Ahmed boggiisa ugu soo daabacay sawirkan iyo ujeedada uu ka lahaa, iyadoo saacad ka dib sawirkaas laga saaray bogga raisul wasaaraha Itoobiya.

Itoobiya ayaa horey boggeeda rasmiga ah ee wasaarada Arrimaha Dibadda ugu shaacisay qariirad sheegaysa in dhulka Soomaaliya oo dhan uu ka mid yahay Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa sanadkii 2018 sheegay in qorshihiisu yahay inay Somalia iyo Ethiopia hal dal isku noqdaan mustaqbalka.

Khariidadan ayaa waxaa si weyn uga carooday shacabka Soomaaliyeed, iyagoo baraha bulshada kaga falcelinaya aragtooda ku aadan arintan yaabka leh.

HOOS KA DAAWO SAWIRKA KHARIIDADA UU SOO BANDHIGAY ABIY AHMED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sawir laga sameeyay Qasim Suleymani oo Sababtay in la baajiyo Ciyaar kubadda cagta ah

Cabdi Cade

Tirada dadka uu ku dhacay Caronavirus gudaha Soomaaliya oo caawa korortay

Cabdi Cade

Warbiixn ku saabsan loolanka adag ee loogu jiro xilka gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---