Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Maareeye oo ka hadlay Wararka sheegaya booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.

Maareeye ayaa sheegay inuusan ka war qabin safarka la isla dhexmarayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa, uuna ku arkay oo kaliya baraha bulshada.

“Wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, wax intaas dhaafsana kama hayo” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo ugu baaqay shacabka Somaliland inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalla, isla markaasna isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa.

“Shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo Waxaan kula talinayaa inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo la jaanqaadi karta isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa uu iswaydiiyey waxa ku jaban haddii Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xitaa haddii ay Somaliland u aqoonsan tahay inuu yahay madaxweyne dal daris la ah.

“Maxaa diidaya in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa sida loogu soo dhaweyn lahaa madaxda dariska sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waana qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo dhinaca kale ku eedeeyey Maamulka Somaliland inay muddo 28 sano ah isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aaney dan ugu jirin shacabka Somaliland.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA MAAREEYE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo lagu wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo bad baadiyay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul katirsan Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Saraakiil ka socota Itoobiya , Jabuuti iyo Kenya oo kusoo biiray shir ka socda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---