Allbanaadir.com
NEWS

Shan arrimood oo maangal ah oo aan Farmaajo loogu ogolaan karin In uu tago Hargaysa

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay Shan arrimood oo maangal ah oo aan Madaxweyne Farmaajo loogu ogolaan karin In uu booqdo magaalada Hargaysa

Halkan ka Akhriso Shanta arimood uu Xildhibaanka soo bandhigay

1. Guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo hawlgab ahaa intii Farmaajo uu madaxweynaha ahaa, mudadaasna uusan muujin niydsami iyo shaqo socota oo uu ku mutaysan karo tagista halkaas.

2. Inuusan jirin ajande cad oo ay soo bandhigeen labada dhinac oo safarkaan lagu soo xaqiijinayo, ayadoo Somaliland dhankeedana ay ka muuqato In lagu dirqinayo ayagoon raalli ka ahayn, Farmaajana uu doonayo meel aan laga rabin in uu isku maqiiqo.

3. Fashilka isku haynta maamulkiisa iyo dawlad goboleedyada ka dhisan koofurta Soomaaliya iyo aaminsanaantiisa In xoog iyo ismaquunin lagu kala baxo sida waxa ka taagan Galmudug iyo Jubaland. Habdhaqankaan oo ahaa kii Somaliland gaarsiiyey meesha ay taagan tahay.!

4. Inuu ku jiro Md. Farmaajo bilihisii u dambeeyey asagoo waajahaya waxqabad xumo, kana dhiganaya booqashadan buunbuunin uu u adeegsado ololihiisa doorashada.

5. Cidda soo hindistaya sida gaarka ahna uga faa’idaysa safarkan waa Abiy Ahmed oo doonaya dekedda Zaylac in ciidamada badda Ethiopia ay saldhig u noqoto.

Ardayda waxaa marka ay fasal ka gudbayaan la marsiiyaa imtixaan, haddii ay ku guulaystaan imtixaankaas un bay u gudbi karaan fasalka xiga, madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhacay imtixaankii asaasiga ahaa ee nabadaynta Muqdisho, isku haynta dawlad goboleedyada iyo abuurista dhaqan dimuqraadi ah oo oggol wax wada lahaansho iyo tala-wadaag, sidaas awgeed asagoo col la ah maamuladii dalka in uu diyaarad ku sii dulmaro asagoo Abiy xambaarsan yahay waa iska muuqataa safarkaas inuu yahay mid qolada loo tagayana aan waxba u wadin, kuwa laga tagayna aysan waxba ka sugayn.

W/Q Axmed Macalin Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Abwaan Soomaaliya Caan ka ah

Cabdi Cade

Danjire Schwartz : “Somalia waxay mar kale qarka u saaran tahay dagaal sokeeye”

Caydiid Ali

Labada aqal ee Baarlamanka Somalia oo yeeshay kulan looga hadlay ajende xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---