Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ay ku sugan yihiin Ciidanka Itoobiya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii Dhaxe weerar culus waxa ay ku qaadeen xero ciidanka Itoobiya kaga sugnaayeen  deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan .

Weerarka ayaa loo adeegsaday hoobiyaal iyo hubka fudud, waxaana dadka deegaanka sheegeen in ay maqlayeen daryanka hubka labada ciidan xalay saqdii dhaxe isku dhaafsadeen deegaanka Halgan.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Itoobiya, sidoo kale wali lama sheegin khasaaro dagaalkaasi kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah xiliyada habeenkii ah ku qaada xeryaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya kaga sugan yihiin qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Magacowday guddi deg deg ah oo ka kooban todoba Xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

Deni oo ka soo horjeestay go’aanadii ka soo baxay Isimada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Shabeellaha hoose (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---