Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Maamulka Degmada Xudur ayaa soo bandhigay sargaal ay sheegeen in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in sargaalkan uu kasoo goostay Al Shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka dowlada.

Guddoomiyaha dhinaca Ammaanka ee degmada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sargaalkan inta uusan soo goosan kahor xiriir lasoo sameeyay ciidanka dowlada iyo maamulka degmada Xudur.

Waxa uuna sheegay in sargaalkan oo lagu magacaabo Colaad Cabdiraxmaan Xerow uu kooxda Al Shabaab katirsanaa mudo 11-sano ah, waxa uuna Gudoomiyaha sheegay in ay soo dhaweenayaan dadka kasoo baxaya Al Shabaab.

Colaad Cabdiraxmaan Xerow oo ah ninka lagu soo bandhigay magaalada Xudur ayaa sheegay in Al Shabaab katirsanaa kana soo baxay hada, waxa uuna cafis weediistay shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka degmada Xudur ayaa marar badan soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo Al Shabaab kasoo saartay sargaalkan la sheegay in uu kasoo goostay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye ku-xigeenkii Baarlamanka Yurub oo la eryey ka dib fadeexad soo wajahday

Caydiid Ali

Farmaajo oo War ka soo saaray doorashada xubnaha Aqalka sare ee maanta la soo afjaray

Caydiid Ali

Maraykanka oo qoranaya magacyada dadka kasoo horjeeda go’aankiisa Qudus iyo Trump oo u hanjabay dalalka …

admin
Taboola Ads ---