Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay xeryo ciidan oo kuyaala Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa saakay booqdey xarumaha ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo booliiska sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee kuyaala magaalada Dhuusomareeb.

Qoor Qoor ayaa ugu horeeyn booqdey xarunta ciidamada Xooga Dalka qeybta 21-aad, waxa uuna halkaasi warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada milatariga oo Madaxweynaha u sharaxay xaaladaha kala duwan ee ciidankan soo mareen.

Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Ciidamada milatariga ayaa ku amaanay doorka muhiimka ah ay ka qaadanayaan nabad galyada , waxa uuna ciidamada kula dardaarmey ineey dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan almudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa booqasho ku tegey taliska ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliya ee kuyaala magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna halkaasi Madaxweynaha kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada booliiska.

Madaxweynaha ayaa ciidamada Haramcad ku amaaney doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen sugida amniga xiligii doorashooyinka Galmudug, waxa uuna kula dardaarmey in halkooda kasii wadaan hoolaha sugida amaanka magaalada Dhuusumareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay shanta dowlad goboleed ee federaalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Macron oo ka Qoomameeyay Hadal uu ka sheegay dal Afrikan ah !

Cabdi Cade

Xamaas iyo Israel oo mar kale is dhaafsaday Maxaabiis (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---